This is the official youtube channel of Dawan TV, a television station covering latest updates in the Horn of Africa and world


Dawan TV

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa hotel Elite ku wareejiyay maamulkii hotel ka iyagoo sidoo kale fasaxay in dib loo billaabo howlihii caadiga ahaa ee hotelka sida ay inoo xaqiijiyeen ilo.
#Somalia

21 hours ago | [YT] | 8

Dawan TV

Mulkiilaha Elite Hotel, Cabdullaahi Maxamed Nuur, ayaa sheegay in maalintii saddexaad ay ciidamo hubeysan si sharci-darro ah ugu sugan yihiin gudaha hotelka, isagoo ku eedeeyay in qaybo ka mid ah hotelka la burburiyay, hantina laga bililiqeystay.

Wuxuu sidoo kale sheegay in hub culus lagu daabulay gudaha hotelka si loogu sameeyo “been-abuur sawirro ah”, isagoo xusay in hubka yaalla hotelka uu yahay mid fudud oo loogu talagalay amniga goobta.

Hadalkan uu ku soo qoray bartiisa Facebook ayaa yimid kadib markii Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir ay daqiiqado ka hor hub ku soo bandhigeen gudaha hotelka.
#Somalia

1 day ago | [YT] | 16

Dawan TV

Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki ayaa Axadan maanta ah u safray magaalada Qaahira, isagoo halkaas ku tagay booqasho rasmi ah oo saddex maalmood ah, sida uu sheegay Wasiirka Warfaafinta Eritrea, Yemane Gebremeskel.

Isaias ayaa la filayaa inuu wadahadallo la yeesho Madaxweynaha Masar Abdel Fattah al-Sisi, kuwaas oo diiradda lagu saarayo xoojinta xiriirka labada dal, oo ay ku jiraan iskaashiga dhaqaalaha iyo qeybo kale.

#Somalia

1 day ago | [YT] | 27

Dawan TV

"Gurigayga ciidan ayaa ku wareegsan,qalabkii loogu talagalay in lagu jaajuuso dowladaha ajnabiga ah ayaa aniga la ii adeegsadaa."Shariif Sheekh Axmed. #Somalia

2 days ago | [YT] | 22

Dawan TV

"Macallinkii shalay inuu maanta qoray wato oo uu leeyahay dalka xoog ku haysanaa, doorashada waa boobaa waa nasiib daro." Shariif Sheekh Axmed. #Somalia

2 days ago | [YT] | 16

Dawan TV

“Taliyaha hadda weeraraya, sidee qalbigiisa ugu kalsoon yahay berri inuu magan galayo, hadda hadduu weeraro jeneralkii isaga kaga horreeyay meesha?”Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

#Somalia #Mogadishu

2 days ago | [YT] | 11

Dawan TV

"Waxaa la qorsheeyay in la i ihaaneysto ama la i dilo." Shariif Sheekh Axmed.
#Somalia

2 days ago | [YT] | 12

Dawan TV

"Annagu doorasho qof iyo cod ah kama soo horjeedno, laakiin waxaan aaminsanahay in waqtiga hadda la joogo aan la qaban karin" Shariif Sheekh Axmed.
#Somalia

2 days ago | [YT] | 6

Dawan TV

Mulkiilaha Elite Hotel, Cabdullaahi Maxamed Nuur, ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya ku eedeeyay in hotelkiisa lagu beegsaday howlgal uu sheegay in lagu doonayo in lagu burburiyo laguna boobo hantida ku jirta, eedeymo aysan dowladdu weli si rasmi ah uga jawaabin.
Qoraal uu bartiisa Face-boook ku daabacay, ayuu ku sheegay in saaka oo Sabti ah, 6-da Juun, abbaaro 11:30-kii barqanimo, ciidamo ku hubeysan hub culus iyo walxo qarxa ay gudaha u galeen Elite Hotel, isla markaana ay si buuxda ula wareegeen xarunta.
#Somalia

2 days ago | [YT] | 40

Dawan TV

Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa si adag uga digtay cawaaqibka ka dhalan kara waxa ay ku sheegtay isku-day ay ciidamo gaar ah ku doonayaan in ay ku weeraraan hoyga Janaraal Odowaa Yuusuf Raage, Taliyihii hore ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo ku yaalla degmada Cabdicasiis ee magaalada Muqdisho.

War-saxaafadeed ka soo baxay Madasha, 6-da June 2026, ayaa lagu sheegay in ciidanka gaarka ah ee Milateriga uu horkacayo Aadan Maxamed Cumar “Aadan Dheere”, oo ay garab siinayaan ciidamo ka tirsan Hay’adda Nabadsugidda, ay ku hawlan yihiin qorshe lagu beegsanayo hoyga Janaraal Odowaa. #Somalia

3 days ago | [YT] | 22