kusoo dhawoow Somali Tech, Barona xirfadaha kala duwan ee Telefoonada, Computerada, Internetka iyo guud ahaan Technologyada. Kamid Noqo Saaxibada inagu xidhan oo hel xogta udambaysa ee technologyga. Wixii Su'aalo Ah, Talooyin Iyo Warcelin Ahna waxa aad inoo so marin kartaa whatsappkena iyo telegramkeena.
kamid noqo saaxibada ka tirsan oo ku biir telegram channelkeena si ad uhesho filesha kala duwan iyo sido kale warbixinada aynu ku wadaagno. riix linkigan si aad ugu biirto: t.me/somalitech0
wixii su'aalo ah waxa aad inooso marin kartaa akoonadeena whatsapp iyo telegram. waana kan numberka aynu ku adeegsano: 252657917414
Somali Tech
https://youtu.be/WlJ_QvYhSaA
4 months ago | [YT] | 23
View 0 replies
Somali Tech
https://youtu.be/YaiVKzFiGrk
4 months ago | [YT] | 14
View 0 replies
Somali Tech
https://youtu.be/hMiN6fAcbq4
4 months ago | [YT] | 11
View 0 replies
Somali Tech
saamaynta aalada AI ah ee deepseek waxa ay ku khasabtay ChatGPT in ay wax ka badasho systemkeda in ka yar 3 cisho saxibayal,
qaybta reasoningka iyo qaybta Search-ka onlineka ah waxa ay ku jirtay ChatGPT qaybteeda ugu qaalisan ee ah $200 Bishi 😳, waxase hada ChatGPT ay kuso dartay qaybteeda Free-ga Ah si ay ugu yaraan dadka usii joogan ChatGPT oo aanay ugu wareegin DeepSeek.
hada waxa ay ugu soo dartay maaha qaab si free ah loogu adeegsanayo 100%, balse waxa ay ku siinaysa in waqti yar marka aad adeegsato ee su'aalo dhowra aad waydiiso ChatGPT lagaa joojiyo saacado dhowra, ka hor inta aan lagu ogolaan mar kale, hadana marka aad u adeegsato dhowr su'aalod, aan lagaa joojin wakhti yar.
Asxaabta aan garanayn reasoningka waxa ay tahay, reasoningka waa qaybta ugu caqliga badan ama ugu garaadka badan ee AI-ga. waxa ay su'aalaha aad waydiiso uga jawaabaysa si sabaabysan, halki su'aal waxa ay uga jawaabaysa sababaha la xidhiidha oo dhan. Qoraalki uhoreeyay ee ku saabsana deebseek ee aan idinla wadaago ayaanan ku tilmaamay Qaybta Reasoningka
qaybta search-ka, waa in AI-ga uu isaga ka raadiyo internetka wax marka aad su'aalo waydiiso, kadibna uu ku siiyo xogaha udanbeeya ee ku saabsan mawduuca, halki aad adiga ka raadin lahayd google, website-yo kala duwan akhriyi lahayd xogaha ay qoreen si aad uhesho mawduuca aad rabto inad wax ka ogaato. AI-ga aya ku qabanaya hawsha ilbidhiqsiyo awgeed.
Waxa aan qorshaynaya muuqal xogo badan oo ku saabsan deebseek aad ku ogaanaysan in aan idinlaso wadaago 48 saacadood ee soo socda saxibayaal i.a.
inta ka horaysa wanaagsan oo wacan wakhti kasta oo ay idiin tahay i.a 🤚🏾
1 year ago | [YT] | 50
View 7 replies
Somali Tech
waan idin salaamay saxibayal. waxa aan diyaarinaya muuqalka xiga ee aan idinla wadaagayo i.a, waxa aan soo dhawaynaya inad igala qayb qaadatan, waxa aan hoos idin kula wadaagaya dhowr video idea, wixi fikhrad dheerada ee aan ku jirin liiska, qaybta comments-ka ayad igula wadaagi kartan i.a. "su'aalaha hadii aanad fahmin iyago faahfaahsan ayad ka helaysa telegram channelkena: t.me/somalitech0"
1 year ago | [YT] | 104
View 16 replies
Somali Tech
waan idin salaamay saxibayal, waxa aan rajaynaya inad dhamaantin fiican tihiin. Ma aanan helin saxibayal fursad maanta aan fariin idin kuso diro mashquul awgi, hasa yeeshe waxa saxbayal daqiiqada soo socda idin so gaadhi doona course-ki lagu baranaayay xirfada SEO ama SEARCH ENGINE OPTIMIZATION Qaybta 1aad.
Hadii Caqabadi idinka haysatay saxibayalin website-yadina aanay helayn dad soo booqda ama traffic, course-kani waa midka kugu muhiimsan ee aad ubaahan tihiin. Ka Faaidaysi wanaagsan saxibayal.
1 year ago | [YT] | 117
View 17 replies
Somali Tech
waan idin salaamay saxibayal, waxa aan rajaynaya dhamaantin inad fiican tihiin. Fadlan hadii aad leedahay website ama aad qorshaynayso inad samaysato akhri qoraalkan, maadama uu aad kuugu muhiim yahay. 👇🏾
maalmahan saxibayal waxa aan helaya fariimo aad ubadan oo ku saabsan aaladaha sida google adsense, iyo impact. su'aalaha ugu badan ee la iso waydiinaya waxa weeye saxibayal in website-yadasi ay soo aqbali waayen asxaabta, ama in ay caqabado ka haystaan aqbalaadoda.
hada xasuusatan waxa aan idin kula wadaagay saxibayal muuqaladeni udambeeyay website la yidhaahdo adsterra oo kuu suuro galinaya meel kasta oo aad aduunka ka joogto in webite-kaga aad dhaqaale ka samayso. iyado aan hadana muuqalka idinla wadaagay saxibayal, hadana waxa jira su'aalo bdan oo la igaso waydiinayo hadana website-kas iyo website-yada kale ee aan kor ku tilmaamany.
waxa jira saxibayal 2 sabab oo ku khasbaya inaysan idin so aqbalin website-yadasi, hadii xita ay idin so aqbalaan wax lacag ah kama samaynaysan website-yada 2-dan sabab dartood.
waxa aan raba saxibayal bal in aynu isla eegno ma inaga khaldan, mise website-yadas aya inaga khaldan, maxay tahay 2-da sabab ee ay inoso aqbali waayen. Waxa aan sameeyay muuqal ku saabsan 2-da sabab saxibayal, waxa uuna idin soo gaadhi doona saacadaha soo socda i.a
kadib muuqalkas waxa aan doonaya saxibayal muuqalka kan caawa idin so gaadhaya xiga iinan idin kula wadaago saxibayal sida 2-da sabab loo buuxiyo oo loo sameeyo, ama qaabki 2-da sabab ee kaa hortaagan in laso aqbalo website-kaga aad uga gudbi lahayd.
waxa muhiima saxibayal si muuqalka kan xiga uu kuu anfaco inad marka hore si fiican ufahanto muuqalka idin so gaadhi doona caawa i.a. kadib ayuu ku anfacaya muuqalka danbe ee aan idinla wadaagi doono i.a
1 year ago | [YT] | 126
View 13 replies
Somali Tech
Waan idin salaamay saxibayal, waxa aan rajaynaya dhamaantin inad fiican tihiin.
Sidaad og tihiin waxa aan hore idinla wadaagay saxibayal muuqal ku saabsana sidi aan internetka lacag uga samayn lahayd hadii aad leedahay Website, ama aad rabto inad samaysato website. waxa aynu ku wadaagnay muuqalka inad lacag ka samayn karto Website-kaga adigo jooga deeganada somalida iyo aduunka kaleba.
Hadaba Saacadaha soo socda waxa idin so gaadhi doona saxibayal qaybti 2aad ee muuqalka, waxa aadna kaga bogan doonta qaybta:
1) sidi aad lacagta ugala bixi lahayd Website-ka aynu lacagta ka samaynaynayno meel kasta oo aad joogtaba
2) sida Website-yada aalada blogger lagu sameeyo loogu xidhayo websiteka, xayaysiiskana loo saarayo websiteka.
Muuqalkas oo dhamaystiran aya idin soo gaadhi doona saxibayal i.a
1 year ago | [YT] | 68
View 10 replies
Somali Tech
waan idin salaamay saxibayal, waxa aan rajaynaya inad fiican tihiin. saacadaha soo socda waxa idin soo gaadhi doona saxibayal muuqal dhamaystiran oo aad ku baran doontan xirfada web design-ka oo dhamystiran iyado la adeegsanayo aalada wordpress. waxyaabaha aad muuqalkas ka faaidi doontan waxa kamida.
1) sidi aad usamaysan lahayd website dhamaystiran oo aalada wordpress aad ku dhisatay, kadibna aad dhaqaale uga samayso aaladi aynu adeegsanay muuqalki kan ka horeeyay.
2) inad website udhisto dadka kale kadibna aad dhaqaale ka qaado sida aynu inagu ugu dhisno website-yada dadyaw-ga kala duwan
3) inad qaab freelancer ah ugu shaqaysato xirfada web design-ka adigo ka shaqaysanaya website-yada sida fiverr oo kale.
F.G. sido kale waxa jira saxibayal course aynu bixino oo lagu barto xirfada web design-ka, waxa uu ku jira website-kena somalitech0.com/. qofki raba sido kale course-kas waaa uu baran kara. balse kaliya qofka fahmi waaya course-ka aan idinla wadaagayo youtube-ka ha barto
1 year ago | [YT] | 114
View 9 replies
Somali Tech
waan idin salaamay saxibayal, waxa aan rajaynaya dhamaantin inad fiican tihiin.
Hadii aad rabto inad internetka lacag ka samayso adigo jooga deeganadena somalida ama aduunka kaleba, qoraalkan sii akhri
2 maalin ee laso dhaafay saxibayal waxa waqti gaadhaya 10 saacadod aan ku bixiyay baadhitan ku saabsan bal qaabki asxaabta webiste-yada lihi isla markaana jooga deeganadena somalida ama wadamada kaleba ay internetka lacag uga samayn laheeyen iyago ka faaidaysanaya webiste-yadoda
waxa aan tijaabiyay saxibayal badanka aaladaha ugu waawayn ee xayasiiska saaraya webiste-kaga si aad lacag uga samayso, waxa aan baadhitan dheer kadib helay saxibayal aalad ku suuro galinaysa in website-kaga aad lacag ka samayso adigo jooga deeganadena somalida. waxa aaladas ay kuu suuro galinaysa in webiste-kaga aad xayaysiis saarto sida google adsense oo kale, balse aaladan waxa aad lacag ka samaynaysa adigo jooga deeganadena somalida, isla markaana aan ubaahnayn address, iyo xogo qof kale, xita aaladan muhiim maaha in ay ku xaqiijiso ama verification ku waydiiso.
Sababta aan aaladan idiinla wadaagaya waxa weeye saxibayal in asxaabta ay ku adkaatay in google adsense ay lacag ka sameeyan ama google adsense soo aqbali waayay ay adeegsadan
waxa aan qorsheeyay saxibayal in aaladas aan ka diyaariyo 2 muuqal, muuqalka 1aad waxa aan idin kula wadaagaya waqtiga aan tijaabinayay aalada lacagta aan ka sameeyay iyo xayaysiiska ay aaladu saarayso weibste-ka sida ay umuuqanayan, waxa an ku wadaagaysa sida aalada looga samaysanayo ciwaan ama akoon, kadib loogu xidhayo ciwaankaga ama akoonkaga webiste-ka iyo ugu danbayn sida aad xayaysiiska usaarayso website-kaga isla markaana aad u arkayso xayaysiiska iyago kaso muuqanaya webiste-kaga.
Qaybta hore waxa Muuqalka an ka sameeyay uu idin soo gaadhi doona saxibayal saacadaha soo socda.
Qaybta 2aad oo aan idin kula wadaagi doono sida lacagta loogala baxayo webiste-kana waxa aan idinla wadaagi doona maalmaha soo socda saxibayal.
1 year ago (edited) | [YT] | 114
View 18 replies
Load more