Warqad Furan Khamiis, June 18, 2026 WQ: Mohamed Baldho
Hordhac.
Toddobaadkii tagay waxaan safar ku maray qaybo ka mid ah Puntland, anigoo kulamo gaar gaar ah iyo wada tashiyo la yeeshay qybaha kala duwan ee bulshada. Walow aan xog ogaal u ahay, hadana ujeeddada safarkaasi wuxuu ahaa mid aan ku eegayay xaaladda dhabta ah ee Puntland maanta ku sugan tahay. Waxaan safarkaas ka soo laabtay iyada oo uu sii xoogaystay dareen aan horay u qabay, kaas oo ah in Puntland maanta taagan tahay marxalad xasaasi ah una baahan in si wadajir ah, geesinimo leh, isla markaana masโuuliyad leh looga hadlo waxna looga qabto xaaladda ay ku jirto. Waxaan ka mid ahay dadka aaminsan in Puntland tahay mashruuc siyaasadeed iyo mid ummadeed oo qiimo weyn u leh shacabkeeda iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed. Sidaas darteed, cid kasta oo ka damqanaysa mustaqbalkeeda waxaa waajib ku ah inay runta ka sheegto inta aanay dhibaatooyinku sii qoto dheeraan.
Puntland oo la aasaasay 1998 waxay dhawaan jirsanaysaa 28 sano. Mudadaas dheer waxay ahayd tusaale lagu tilmaamo xasillooni, dowlad dhisid, koboc dhaqaale iyo ilaalinta midnimada ummadda Soomaaliyeed. Hase yeeshee, taariikhdu waxay ina bartay in guulihii la gaaray aanay dammaanad qaadayn guulaha berri, haddii aan si joogto ah loo sixin khaladaadka maanta ina horyaal.
Maahmaah Soomaaliyeed ayaa ahayd: โCalooshaada ciiriin looma qariyo.โ Ujeeddada qoraalkanina waa taas. Ma aha eedayn, ma aha mucaaradnimo, mana aha difaacasho dan shaqsi ee waa baaq ku wajahan ilaalinta Puntland, xoojinta wadajirka bulshada iyo badbaadinta mustaqbalka jiilasha danbe. Ciidanka Puntland Laga Dhex Qoranayo Mid ka mid ah arrimaha ugu culus ee bulshada dhexdeeda ka socda waa qorshaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ciidamo uga qoranayso gudaha Puntland. Marka arrintan si qoto dheer loo eego, muranku kuma koobna qoris ciidan, balse wuxuu la xiriiraa arrimo siyaasadeed iyo muran awoodeed salka ku haya xukuumadda iyo mucaaridka saldhiggoodu Xamar yahay. Bulshada inteeda badan waxay qabaan in arrimaha ciidan qorista aan sinaba loo aqbali karin. Waxaa laga cabsi qabaa in qorista ciidankaasi ay kallifi karto in awood ciidan lagu maareeyo dhaawacyo boogo horay u jiray oo aan weli bogsoon.
Dhanka kale, waxaa jira aragti kale oo leh in dhalinyarada Puntland ay xaq u leeyihiin inay qayb ka noqdaan ciidamada Soomaaliyeed, isla markaana aysan jirin sabab sharci ah oo looga hor istaagi karo fursaddaas.
Labadaas aragti dhexdooda waxaa ka muuqata baahi weyn oo loo qabo wada hadal, daahfurnaan iyo heshiis siyaasadeed. Haddii arrintan lagu sii socdo iyadoo aan la dhisin kalsoonidii loo baahnaa ama aan xal laga gaarin is maandhaafyada siyaasadeed ee jira, waxaa suurtagal ah inay sii kordhiso shakiga laga qabo in aakhirka ay gacan ka hadal dhaliso isla markaana ay fursad siiso cid kasta oo danaynaysa in amniga Puntland khalkhal galo. Maanta waa markii ugu horraysay oo tan iyo ururkii AL-ITIHAD AL-ISLAAMI, Puntland dhexdeeda laga qorto ciidan aan maamulka jira ka amar qaadan. Eedda qeybta ugu weyn waxaa leh maamulka ku fashalay maaraynta arrinkaas. Hoos u dhaca Kalsoonida Bulshada Mid ka mid ah arrimaha ugu mudan in laga fiirsado waa in markii ugu horraysay muddo ku dhow soddon sano ay soo baxayaan codad muujinaya niyad jab ku saabsan jihada ay Puntland u socoto. Tani macnaheedu maaha in shacabka Puntland ka soo horjeedaan jiritaankeeda, balse waxay tilmaamaysaa baahi sii kordhaysa oo loo qabo dib u eegis, is xisaabin iyo dib u dhis kalsooni ummadeed.
Taariikhda dowladuhu waxay ina bartay in khatarta ugu weyn aanay mar walba dibadda ka iman, balse ay ka dhalan karto marka dareenka ka qaybgalka, caddaaladda iyo lahaanshaha nidaamku uu daciifo. Sidaa darteed, ilaalinta Puntland maanta waxay ka bilaabanaysaa in shacabka oo dhan la dareensiiyo loogana dhabeeyo inay yihiin milkiilayaasha dhabta ah ee Puntland.
Muranka Dastuurka iyo Sharciyadda Siyaasadeed.
Dastuurku waa heshiiska ugu sarreeya ee bulsho ku wada noolaato. Marka heshiiskaas la isku khilaafo, waxaa khatar gala saldhigii dowladnimada. Puntland maanta waxaa ka jira doodo la xiriira dastuurka, habraacyada wax ka beddelkiisa, awoodaha hayโadaha dowladda iyo qaabka loo fasirayo qaar ka mid ah goโaannada siyaasadeed ee sannadihii u dambeeyay.
Khilaafyada dastuuriga ahi waa wax ka dhaca nidaam kasta. Hase yeeshee, waxa muhiimka ahi waa in la helo hannaan lagu xalliyo oo ay dhammaan dhinacyadu ku kalsoon yihiin. Waxaa lagama maarmaan ah in arrimahan lagu celiyo miiska wada tashi loo dhan yahay, si loo helo heshiis siyaasadeed iyo xal waara.
Xuduudaha Puntland iyo Waqooyiga Bari. Arrimaha mudan in si qoto dheer looga wada hadlo waxaa ka mid ah isbeddellada siyaasadeed ee ka dhacay deegaannada Waqooyiga Bari (SSC-Khaatumo) iyo saamaynta ay ku yeesheen qaab dhismeedka siyaasadeed iyo juquraafi ee Puntland. Waxaa xaqiiqo ah in xaaladaha siyaasadeed ee deegaannadaasi ay maanta si weyn isu beddeleen. Maamulka cusub ee WB wuxuu noqday xaqiiqo siyaasadeed oo jirta, waxaana muuqata in Puntland aysan weli si rasmi ah uga yeelan mowqif siyaasadeed oo cad oo ku saabsan sida loo waafajinayo xaaladdaas cusub qaab dhismeedka iyo shuruucda Puntland.
Su'aasha ugu weyn ee taagan waa sida loo heli karo xal waara oo ku dhisan wada tashi, nidaam sharci ku dhisan iyo ilaalinta danta guud ee dadyowga walaalaha ah. Haddii aan arrintan lagu xallin aragti fog iyo talo loo dhan yahay, waxay sii abuuri kartaa jahawareer siyaasadeed iyo muran sharci oo daba dheeraada aakhirkana gacan ka hadal dhaliya.
Dimuqraadiyadda iyo Mustaqbalka Doorashooyinka.
Mid ka mid ah himilooyinkii ugu waaweynaa ee Puntland waxay ahayd hirgelinta nidaamka xisbiyada badan iyo dimuqraadiyadda. Mashruucii loo bixiyay โGeedi Caano Lehโ wuxuu abuuray rajo weyn oo ku saabsan in Puntland u gudubto nidaam siyaasadeed oo casri ah, laguna saleeyo codka shacabka. Maanta waxaa muuqata in hubaal la'aan badan ay ka jirto halka uu ku dambayn doono mashruucaasi. Bulshada dhexdeeda waxaa ku soo badanaya su'aalaha ku saabsan doorashooyinka soo socda, qaabka loo geli doono iyo mustaqbalka xisbiyada hadda jira. Sidaas daraadeed, maanta waxaa muuqata in baahi weyn loo qabo in la caddeeyo jihada geeddi socodkaasi u socdo, si shacabka iyo daneeyayaashuba ay kalsooni ugu qabaan mustaqbalka doorashooyinka.
Waxa ugu muhiimsan ee dimuqraadiyaddu u baahan tahay ma aha doorasho keliya, balse waa kalsooni. Marka shacabka iyo siyaasiyiintu aysan hubin xeerarka ciyaarta siyaasadeed, waxaa meesha ka baxaya kalsoonidii nidaamka. Taasina waxay saamayn toos ah ku yeelataa amniga, dhaqaalaha, maalgashiga iyo rajada ummadda, gaar ahaan dhalinyarada.
Shirweyne iyo Talo Loo Dhanyahay.
Marka la eego dhammaan arrimaha kor ku xusan, waxaan aaminsanahay in la joogo waqtigii Puntland isugu imaan lahayd gogol iyo talo loo dhan yahay. Talo loo dhan yahay ma noqon karto madal ay ku kulmaan oo keliya dadka xukuumadda taageersan. Sidoo kale ma noqon karto goob lagu xaqiijiyo aragti hore loo watay. Waa inay noqotaa madal weyn oo ay isugu yimaadaan isimada, siyaasiyiinta mucaaradka, aqoonyahanka, ganacsatada, dhalinyarada, haweenka, qurbo joogta iyo dhammaan qaybaha bulshada.
Waxa ugu muhiimsan ayaa ah in si gaar ah loo dhegaysto dadka ka aragtida duwan xukuumadda. Taariikhdu waxay caddeysay in xalalka waaweyn aysan ka dhalan isku fikir, balse ay ka dhashaan dood furan, is dhageysi iyo tanaasul siyaasadeed.
Dabkii maanta la demi waayo, berri duurkuu wada gaaraa.
Waxaan aaminsanahay in caqabadaha maanta jira aan loo arkin kuwo ku eg maamulka iminka talada haya. Haddii aan maanta la sixin khaladaadka jira, cidda ugu horrayn dhibtoodu gaari doonto waa maamulka berri iman doona. Khilaafaadka siyaasadeed ee aan xal loo helin, murannada dastuuriga ah ee aan heshiis laga gaarin, kalsooni darrada sii fidaysa iyo suโaalaha taagan ee la xiriira nidaamka dowladnimada, ciidamada la qoranayo ee aan maamulka hoos tagin, waxay noqon doonaan dhaxal culus oo loo gudbinayo jiilalka iyo maamullada soo socda. Waxaa dhici karta in maamulka berri yimaada uu waqti iyo awood badan ku bixiyo daminta hurgumooyin laga hortagi karay maanta, halkii uu xoogga saari lahaa horumarinta dhaqaalaha, shaqo abuurka, adeegyada bulshada iyo xoojinta dowladnimada. Sidaa darteed, masโuuliyadda ugu weyn ee saaran hoggaanka maanta jira waa in uu ka tago dhaxal mideeya shacabka, xoojiya hayโadaha dowladda, isla markaana fududeeya in Puntland si nabad ah ugu gudubto marxaladaha mustaqbalka.
Gunaanad
Puntland maanta waxay joogtaa meel kala guur ah. Waxaa horyaalla laba waddo: mid ah in la iska indho tiro digniinaha jira, iyo mid ah in la aqbalo xaqiiqada, la is maqlo, lana raadiyo xalal waara. Anigu waxaan ka mid ahay dadka sida qotada dheer uga damqanaya Puntland, una arka in mustaqbalkeedu ka weyn yahay danaha siyaasadeed ee maanta la isku hayo. Waxaan aaminsanahay in Puntland weli haysato fursad weyn oo ay ku saxdo jihada ay ku socoto, kuna sii ahaato tiir ka mid ah xasilloonida iyo dowladnimada Soomaaliya. Hase yeeshee, fursadahaasi ma sii furnaan doonaan weligood. Sidaas darteed, waxaa habboon in maanta la qaato goโaanno geesinimo leh, la dhiso kalsooni cusub, lana abuuro jawi siyaasadeed jiilalka dambe uga tagaya Puntland ka xooggan tan maanta jirta.
Calanka Sucuudiga ayaa la diiday in dhulka la dhigo maadaama uu kuqoran yahay Tawxiidka.
FIFA iyo Wasaarada Cayaaraha ayaa kawada hadlay inaan dhulka ladhigi karin Calanka. FIFA ayaa kadib amartay in shaqaalaha garoonka ay dhulka dhigin calanka oo kor loo haya cayaaraha koobka aduunka inta uu cayaaraya Xulka Qaranka Sacuudiga.
Iran oo si daran u duqeysay Gegida Diyaaradaha Kuwait, iyo Saldhigyada Mareykanka ee Imaaraadka, Ciraaq iyo Baxreyn
Kaddib duqeyntii xalay ee Mareykanku duqeeyey jasiiradda Qashem ee Iran, Iran ayaa si kulul uga jawaabtay duqeysayna saldhigyadii Mareykanku ka soo duulay oo ay ugu horreeyaan eeraboorka Kuwait, saldhigga ciidamadiisa ee Imaaraadka, Ciraaq iyo waliba Baxreyn. Iran ayaa sheegtay duqeyn kasta oo Mareykanku la beegto Iran in jawaabtu noqon doonto saddex jibbaar.
Dhanka Beirut, Israal ayaa illaa iyo hadda ku dhici la' in ay duqeyso xaafadda Daahiyeh ee Beirut kaddib digniintii Iran ee ahayd haddii la duqeeyo Beirut in ay duqeyn doonto dhammaan deegaanada waqooyiga Israal.
DAMACA YUHUUDA (1930) EE DHULKA SOOMAALIDA (SOMALILAND): Qorshihii "Golaha Harar"
WQ: Maxamud Yusuf Gurey
Mashruucii Yuhuudda Lagu soo dajin lahaa Geeska Afrika. Ma 2025 ayaa la fuliyay?
Haddii la soo hadalqaado qorshayaashii reer Galbeedku ku raadinayeen dhul ay deegaan uga dhigaan dadka Yuhuudda ah kahor intaan loo rarin Falastiin, maskaxda badanaa waxaa ku soo dhaca "Mashruucii Uganda" ee caanka ahaa. Mase oga in qorshe ka weyn, kana khatarsan uu ka dhashay bariga magaalada Harar iyo xuduudaha Maxmiyaddii British Somaliland qiyaastii sannadkii 1930-kii.
Mashruucan oo loogu magacdaray "The Harar Council Project" (Mashruucii Golaha Harar) wuxuu ahaa isku day caalami ah oo la doonayey in lagu abuuro "Gole ama Maamul Madaxbannaan oo ay Yuhuuddu leedahay," kaas oo ku fidsan dhulka barwaaqada ah ee Harar illaa Dekedda Berbera ee xeebta Badweynta Hindiya.
Muxuu ahaa "Golaha Harar" (Harar Council)?
Erayga "Harar Council" wuxuu astaan u ahaa guddi ama urur ka koobnaa aqoonyahanno, siyaasiyiin, iyo maalqabeenno Yuhuud ah oo u dhashay qaaradda Yurub iyo Maraykanka. Kooxdan, oo uu hormuud ka ahaa nin naqshadeeya qorshayaasha dhul-doonka Yuhuuda oo la oran jiray Herman Furberg waxay aamminsanaayeen in xalka dhibaatada Yuhuudda Yurub laga heli karo Geeska Afrika.
Golahani wuxuu dejiyay qorshe dhul weyn oo baaxaddiisa lagu qiyaasay 60,000 ilaa 70,000 oo mayl laba jibaaran (oo isugu jira bariga Itoobiya iyo gudaha British SOMALILAND Protectorate) laga dhigo dal ay ku badbaadaan malaayiin Yuhuud ah oo ka soo cararayay dhibaatadii ku habsatay Yurub muddadii u dhaxeysay dagaalkii 1aad iyo kii 2aad ee adduunka, dhulkaas oo deegaan u ahaa Oromo iyo qabaa'il Soomali ah.
Maxaa loo doortay deegaankan, maxay se ahayd Kaalinta Somaliland?
Haddaba maxaa keenay in indhaha caalamka lagu soo soo jeediyo aaggan? Qorsheeyayaashii mashruuca waxay u cuskanayeen dhowr sababood oo istiraatiiji ah:
1. Cimilada iyo Beeraha: Dhulka sare ee Harar wuxuu leeyahay cimilo qabow iyo dhul ku habboon beeraha iyo xoolaha, taas oo loo arkayay inay u dulqaadan karaan dadka Yuhuuda ah ee u bartay qabowga
2. Irridda Badda (Kaalinta dhulka Somalida): Si mashruucani u noqdo mid nool, wuxuu u baahnaa marin ganacsi oo caalami ah. Sidaas darteed, qorshuhu wuxuu ahaa in dhulkaas Harar lagu soo xidho dekedda Berbera. Tani waxay sahlaysay in dadka iyo badeecaduba si fudud uga soo degaan Berbera, ka dibna looga soo daabulo dhanka berriga
3. Qaab-dhismeedka maamul ee la qorsheeyay:
Sida ku cad dukumentiyadii taariikhiga ahaa ee loo gudbiyay boqortooyadii Itoobiya ee uu hoggaaminayay Boqor Haile Selassie I (oo si rasmi ah xukunka ula wareegay sannadkii 1930), nidaamka dawladnimo ee la rabay in la hirgeliyo wuxuu ahaa mid sidan u dhisan:
A. Dabaqadda Sare: Dadka Yuhuudda ah ee deegaankaas ayaa noqonayey dabaqadda sare.
B. Maamul Hoosaad Madaxbannaan: In kasta oo deegaanku hoosimaanayo calanka Itoobiya iyo iskaashiga Ingiriiska (dhulkii uu gumeysanayey), haddana gudaha deegaanka waxaa maamuli lahaa Gole Yuhuud ah
C. Aqoonta iyo Luuqadda: Luuqadda rasmiga ah ee maamulka, waxbarashada, iyo ganacsiga dhexdiisa waxaa la qorsheeyay inay noqoto Ingiriis, si ay ufududaato xiriirka suuqyada caalamka
Maxaa fashiliyey arrintan?
In kasta oo dadaal weyn la geliyay, mashruucii "Golaha Harar" marnaba kama soo gudbin warqadihii lagu soo qoray, wuxuuna u fashilmay arrimahan soo socda dhowr sababood dartood:
> Diidmada Dadka Deegaanka: Qorsheeyayaashu aad bay u dhayalsadeen dabeecadda dadka u dhashay deegaanka, gaar ahaan qabaailka Soomaalida iyo Oromada oo caan ku ahaa midnimada guud, difaaca dhulka, iyo diidmada gumeysiga ama isbaddalka dadka (demographic change). Isku day kasta oo lagu keeni lahaa dad ajnabi ah oo ku loolama dhulka iyo daaqsinta wuxuu dhalin lahaa dagaal dhiig ku daato
> Duullaankii Talyaaniga (1935): Shan sano kaddib markii qorshahan si weyn loo falanqeeyay, ciidamadii fashiistaha ahaa ee Talyaaniga ayaa ku duulay Itoobiya, taas oo meesha ka saartay xasilloonidii siyaasadeed iyo wadahadalladii dublamaasiyadeed ee socday
> U wareegidda dhanka Falastiin: Ururkii weynaa ee Sahyuuniyadda (Zionist Movement) ee caalamiga ahaa marnaba ma xiisaynayn mashaariicda kale ee Afrika ama Ameerika, waxayna diiradda saarayeen oo keliya dhulka Falastiin
Gunaanad
Mashruucii "Golaha Harar" ee sannadkii 1930 wuxuu markhaati u yahay sidii Geeska Afrika, gaar ahaan dhulka Soomaalida iyo nawaaxigiisa, uu mar walba u ahaa xudun u xidhan loolanka caalamiga ah iyo juqraafiga siyaasadeed (Geopolitics). In kasta oo uu ahaa qorshe ku qabsaday qaab qarsoodi ah saaxadda dublamaasiyadda reer Galbeedka, haddana wuxuu ka midyahay bogagga qoran ee muujinaya khatarihii waaweynaa ee dhulka Somalidu ka badbaaday xilliyadii gumeysiga.
Haddaba maanta oo laga joogo 90 sano in ka badan miyaa Soomaali looga faa'iideysanayaa duruufta ay ku jirto oo Yuhuudna loogu xalaaleynayaa muxaramaadkii islaamka (Baytul Maqdis) la dhihi karaa waxaan u aqoonsanahay Caasimadii Yuhuuda?
Daljir
๐๐ฎ๐ฏ๐ฑ๐๐น๐พ๐ฎ๐ฎ๐ฑ๐ถ๐ฟ ๐ ๐ฎ๐ ๐ฎ๐บ๐ฒ๐ฑ ๐ก๐๐๐ฟ (๐๐ฎ๐ฎ๐บ๐ฎ๐ฐ): ๐ ๐๐๐ต๐ฎ๐ฟ๐ฎ๐ ๐ธ๐๐ฟ๐๐ถ๐ด๐ฎ ๐ฏ๐ผ๐ผ๐ฏ๐ฎ๐ ๐ผ๐ผ ๐น๐ผ๐ผ ๐ฏ๐ผ๐ผ๐ฏ๐ถ ๐ฟ๐ฎ๐ฏ๐ผ ๐๐๐ฑ๐ฑ๐ผ๐ผ๐บ๐ถ๐๐ฎ๐ต๐ฎ ๐๐ฎ๐ฎ๐ฟ๐น๐ฎ๐บ๐ฎ๐ฎ๐ป๐ธ๐ฎ (๐ช๐ฎ๐ฟ๐ฏ๐ถ๐ ๐ถ๐ป)
Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) waa siyaasi ka dhashay baaxa dega siyaasadeed ee Soomaaliya, waxaa la sheegaa inuu ahaa Al-shabaab hore oo lasoo shaqeeyey kooxihii Maxaakiimta Islaamka kadibna u diga rogtey garabka Xagjirka ah ee Al-shabaab, ilo xog ogaal ah ayaa ku eedeeya inuu qayb weyn ka qaatay beegsiga haldoor Soomaaliyeed oo ku maqan gacanta Al-shabaab iyo mashruucii qabuuro faagista ee Al-shabaab Muqdisho ka sameeyeen 2009, markii ugu horeysey ayuu kasoo muuqda ย saaxada siyaasada 2018 oo loo magacaabay lataliye sare oo ka tirsan Xafiiska Guddoomiyaha Golaha Shacabka, halkaas oo uu ka qayb qaatay arrimaha siyaasadda.
daljir.com/181309-2/
1 week ago | [YT] | 16
View 7 replies
Daljir
CALOOSHAADA CIIRIIN LOOMA QARIYO
Warqad Furan
Khamiis, June 18, 2026
WQ: Mohamed Baldho
Hordhac.
Toddobaadkii tagay waxaan safar ku maray qaybo ka mid ah Puntland, anigoo kulamo gaar gaar ah iyo wada tashiyo la yeeshay qybaha kala duwan ee bulshada. Walow aan xog ogaal u ahay, hadana ujeeddada safarkaasi wuxuu ahaa mid aan ku eegayay xaaladda dhabta ah ee Puntland maanta ku sugan tahay. Waxaan safarkaas ka soo laabtay iyada oo uu sii xoogaystay dareen aan horay u qabay, kaas oo ah in Puntland maanta taagan tahay marxalad xasaasi ah una baahan in si wadajir ah, geesinimo leh, isla markaana masโuuliyad leh looga hadlo waxna looga qabto xaaladda ay ku jirto. Waxaan ka mid ahay dadka aaminsan in Puntland tahay mashruuc siyaasadeed iyo mid ummadeed oo qiimo weyn u leh shacabkeeda iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed. Sidaas darteed, cid kasta oo ka damqanaysa mustaqbalkeeda waxaa waajib ku ah inay runta ka sheegto inta aanay dhibaatooyinku sii qoto dheeraan.
Puntland oo la aasaasay 1998 waxay dhawaan jirsanaysaa 28 sano. Mudadaas dheer waxay ahayd tusaale lagu tilmaamo xasillooni, dowlad dhisid, koboc dhaqaale iyo ilaalinta midnimada ummadda Soomaaliyeed. Hase yeeshee, taariikhdu waxay ina bartay in guulihii la gaaray aanay dammaanad qaadayn guulaha berri, haddii aan si joogto ah loo sixin khaladaadka maanta ina horyaal.
Maahmaah Soomaaliyeed ayaa ahayd: โCalooshaada ciiriin looma qariyo.โ Ujeeddada qoraalkanina waa taas. Ma aha eedayn, ma aha mucaaradnimo, mana aha difaacasho dan shaqsi ee waa baaq ku wajahan ilaalinta Puntland, xoojinta wadajirka bulshada iyo badbaadinta mustaqbalka jiilasha danbe.
Ciidanka Puntland Laga Dhex Qoranayo
Mid ka mid ah arrimaha ugu culus ee bulshada dhexdeeda ka socda waa qorshaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ciidamo uga qoranayso gudaha Puntland. Marka arrintan si qoto dheer loo eego, muranku kuma koobna qoris ciidan, balse wuxuu la xiriiraa arrimo siyaasadeed iyo muran awoodeed salka ku haya xukuumadda iyo mucaaridka saldhiggoodu Xamar yahay. Bulshada inteeda badan waxay qabaan in arrimaha ciidan qorista aan sinaba loo aqbali karin. Waxaa laga cabsi qabaa in qorista ciidankaasi ay kallifi karto in awood ciidan lagu maareeyo dhaawacyo boogo horay u jiray oo aan weli bogsoon.
Dhanka kale, waxaa jira aragti kale oo leh in dhalinyarada Puntland ay xaq u leeyihiin inay qayb ka noqdaan ciidamada Soomaaliyeed, isla markaana aysan jirin sabab sharci ah oo looga hor istaagi karo fursaddaas.
Labadaas aragti dhexdooda waxaa ka muuqata baahi weyn oo loo qabo wada hadal, daahfurnaan iyo heshiis siyaasadeed. Haddii arrintan lagu sii socdo iyadoo aan la dhisin kalsoonidii loo baahnaa ama aan xal laga gaarin is maandhaafyada siyaasadeed ee jira, waxaa suurtagal ah inay sii kordhiso shakiga laga qabo in aakhirka ay gacan ka hadal dhaliso isla markaana ay fursad siiso cid kasta oo danaynaysa in amniga Puntland khalkhal galo. Maanta waa markii ugu horraysay oo tan iyo ururkii AL-ITIHAD AL-ISLAAMI, Puntland dhexdeeda laga qorto ciidan aan maamulka jira ka amar qaadan. Eedda qeybta ugu weyn waxaa leh maamulka ku fashalay maaraynta arrinkaas.
Hoos u dhaca Kalsoonida Bulshada
Mid ka mid ah arrimaha ugu mudan in laga fiirsado waa in markii ugu horraysay muddo ku dhow soddon sano ay soo baxayaan codad muujinaya niyad jab ku saabsan jihada ay Puntland u socoto. Tani macnaheedu maaha in shacabka Puntland ka soo horjeedaan jiritaankeeda, balse waxay tilmaamaysaa baahi sii kordhaysa oo loo qabo dib u eegis, is xisaabin iyo dib u dhis kalsooni ummadeed.
Taariikhda dowladuhu waxay ina bartay in khatarta ugu weyn aanay mar walba dibadda ka iman, balse ay ka dhalan karto marka dareenka ka qaybgalka, caddaaladda iyo lahaanshaha nidaamku uu daciifo. Sidaa darteed, ilaalinta Puntland maanta waxay ka bilaabanaysaa in shacabka oo dhan la dareensiiyo loogana dhabeeyo inay yihiin milkiilayaasha dhabta ah ee Puntland.
Muranka Dastuurka iyo Sharciyadda Siyaasadeed.
Dastuurku waa heshiiska ugu sarreeya ee bulsho ku wada noolaato. Marka heshiiskaas la isku khilaafo, waxaa khatar gala saldhigii dowladnimada. Puntland maanta waxaa ka jira doodo la xiriira dastuurka, habraacyada wax ka beddelkiisa, awoodaha hayโadaha dowladda iyo qaabka loo fasirayo qaar ka mid ah goโaannada siyaasadeed ee sannadihii u dambeeyay.
Khilaafyada dastuuriga ahi waa wax ka dhaca nidaam kasta. Hase yeeshee, waxa muhiimka ahi waa in la helo hannaan lagu xalliyo oo ay dhammaan dhinacyadu ku kalsoon yihiin. Waxaa lagama maarmaan ah in arrimahan lagu celiyo miiska wada tashi loo dhan yahay, si loo helo heshiis siyaasadeed iyo xal waara.
Xuduudaha Puntland iyo Waqooyiga Bari.
Arrimaha mudan in si qoto dheer looga wada hadlo waxaa ka mid ah isbeddellada siyaasadeed ee ka dhacay deegaannada Waqooyiga Bari (SSC-Khaatumo) iyo saamaynta ay ku yeesheen qaab dhismeedka siyaasadeed iyo juquraafi ee Puntland. Waxaa xaqiiqo ah in xaaladaha siyaasadeed ee deegaannadaasi ay maanta si weyn isu beddeleen. Maamulka cusub ee WB wuxuu noqday xaqiiqo siyaasadeed oo jirta, waxaana muuqata in Puntland aysan weli si rasmi ah uga yeelan mowqif siyaasadeed oo cad oo ku saabsan sida loo waafajinayo xaaladdaas cusub qaab dhismeedka iyo shuruucda Puntland.
Su'aasha ugu weyn ee taagan waa sida loo heli karo xal waara oo ku dhisan wada tashi, nidaam sharci ku dhisan iyo ilaalinta danta guud ee dadyowga walaalaha ah. Haddii aan arrintan lagu xallin aragti fog iyo talo loo dhan yahay, waxay sii abuuri kartaa jahawareer siyaasadeed iyo muran sharci oo daba dheeraada aakhirkana gacan ka hadal dhaliya.
Dimuqraadiyadda iyo Mustaqbalka Doorashooyinka.
Mid ka mid ah himilooyinkii ugu waaweynaa ee Puntland waxay ahayd hirgelinta nidaamka xisbiyada badan iyo dimuqraadiyadda. Mashruucii loo bixiyay โGeedi Caano Lehโ wuxuu abuuray rajo weyn oo ku saabsan in Puntland u gudubto nidaam siyaasadeed oo casri ah, laguna saleeyo codka shacabka. Maanta waxaa muuqata in hubaal la'aan badan ay ka jirto halka uu ku dambayn doono mashruucaasi. Bulshada dhexdeeda waxaa ku soo badanaya su'aalaha ku saabsan doorashooyinka soo socda, qaabka loo geli doono iyo mustaqbalka xisbiyada hadda jira. Sidaas daraadeed, maanta waxaa muuqata in baahi weyn loo qabo in la caddeeyo jihada geeddi socodkaasi u socdo, si shacabka iyo daneeyayaashuba ay kalsooni ugu qabaan mustaqbalka doorashooyinka.
Waxa ugu muhiimsan ee dimuqraadiyaddu u baahan tahay ma aha doorasho keliya, balse waa kalsooni. Marka shacabka iyo siyaasiyiintu aysan hubin xeerarka ciyaarta siyaasadeed, waxaa meesha ka baxaya kalsoonidii nidaamka. Taasina waxay saamayn toos ah ku yeelataa amniga, dhaqaalaha, maalgashiga iyo rajada ummadda, gaar ahaan dhalinyarada.
Shirweyne iyo Talo Loo Dhanyahay.
Marka la eego dhammaan arrimaha kor ku xusan, waxaan aaminsanahay in la joogo waqtigii Puntland isugu imaan lahayd gogol iyo talo loo dhan yahay. Talo loo dhan yahay ma noqon karto madal ay ku kulmaan oo keliya dadka xukuumadda taageersan. Sidoo kale ma noqon karto goob lagu xaqiijiyo aragti hore loo watay. Waa inay noqotaa madal weyn oo ay isugu yimaadaan isimada, siyaasiyiinta mucaaradka, aqoonyahanka, ganacsatada, dhalinyarada, haweenka, qurbo joogta iyo dhammaan qaybaha bulshada.
Waxa ugu muhiimsan ayaa ah in si gaar ah loo dhegaysto dadka ka aragtida duwan xukuumadda. Taariikhdu waxay caddeysay in xalalka waaweyn aysan ka dhalan isku fikir, balse ay ka dhashaan dood furan, is dhageysi iyo tanaasul siyaasadeed.
Dabkii maanta la demi waayo, berri duurkuu wada gaaraa.
Waxaan aaminsanahay in caqabadaha maanta jira aan loo arkin kuwo ku eg maamulka iminka talada haya. Haddii aan maanta la sixin khaladaadka jira, cidda ugu horrayn dhibtoodu gaari doonto waa maamulka berri iman doona. Khilaafaadka siyaasadeed ee aan xal loo helin, murannada dastuuriga ah ee aan heshiis laga gaarin, kalsooni darrada sii fidaysa iyo suโaalaha taagan ee la xiriira nidaamka dowladnimada, ciidamada la qoranayo ee aan maamulka hoos tagin, waxay noqon doonaan dhaxal culus oo loo gudbinayo jiilalka iyo maamullada soo socda.
Waxaa dhici karta in maamulka berri yimaada uu waqti iyo awood badan ku bixiyo daminta hurgumooyin laga hortagi karay maanta, halkii uu xoogga saari lahaa horumarinta dhaqaalaha, shaqo abuurka, adeegyada bulshada iyo xoojinta dowladnimada. Sidaa darteed, masโuuliyadda ugu weyn ee saaran hoggaanka maanta jira waa in uu ka tago dhaxal mideeya shacabka, xoojiya hayโadaha dowladda, isla markaana fududeeya in Puntland si nabad ah ugu gudubto marxaladaha mustaqbalka.
Gunaanad
Puntland maanta waxay joogtaa meel kala guur ah. Waxaa horyaalla laba waddo: mid ah in la iska indho tiro digniinaha jira, iyo mid ah in la aqbalo xaqiiqada, la is maqlo, lana raadiyo xalal waara. Anigu waxaan ka mid ahay dadka sida qotada dheer uga damqanaya Puntland, una arka in mustaqbalkeedu ka weyn yahay danaha siyaasadeed ee maanta la isku hayo. Waxaan aaminsanahay in Puntland weli haysato fursad weyn oo ay ku saxdo jihada ay ku socoto, kuna sii ahaato tiir ka mid ah xasilloonida iyo dowladnimada Soomaaliya. Hase yeeshee, fursadahaasi ma sii furnaan doonaan weligood. Sidaas darteed, waxaa habboon in maanta la qaato goโaanno geesinimo leh, la dhiso kalsooni cusub, lana abuuro jawi siyaasadeed jiilalka dambe uga tagaya Puntland ka xooggan tan maanta jirta.
2 weeks ago | [YT] | 60
View 8 replies
Daljir
Calanka Sucuudiga ayaa la diiday in dhulka la dhigo maadaama uu kuqoran yahay Tawxiidka.
FIFA iyo Wasaarada Cayaaraha ayaa kawada hadlay inaan dhulka ladhigi karin Calanka.
FIFA ayaa kadib amartay in shaqaalaha garoonka ay dhulka dhigin calanka oo kor loo haya cayaaraha koobka aduunka inta uu cayaaraya Xulka Qaranka Sacuudiga.
2 weeks ago | [YT] | 72
View 4 replies
Daljir
"Dagaalkii nagala dhaxeeyay Mareykanka waa dhamaaday" Cabaas Araghchi Wasiirka arrimaha dibada dowladda Iran
2 weeks ago | [YT] | 34
View 0 replies
Daljir
Caawa iyo Madasha Daljir X Space: Mowduuca,
Dhammaadka Jamhuuriyaddii 3aad iyo Yagleelidda Jamhuuriyadda 4aad iyo Prof Keynaan.
Tariikhda- 8 June 2026 Saacada: 9:30PM
3 weeks ago | [YT] | 31
View 0 replies
Daljir
Shiinaha oo Dhismaha Ciidanka iyo Amniga ka taageeraya Soomaaliya.
Wasaarada Arrimaha Dibadda ee Dowladda Shiinaha ayaa shaaca ka qaaday inay DFS ka taageereysa dhinacyada Dhismaha Hay'adaha Amniga, difaaca iyo tababarrada ciidamada.
Daljir Media
3 weeks ago | [YT] | 49
View 4 replies
Daljir
Iran oo si daran u duqeysay Gegida Diyaaradaha Kuwait, iyo Saldhigyada Mareykanka ee Imaaraadka, Ciraaq iyo Baxreyn
Kaddib duqeyntii xalay ee Mareykanku duqeeyey jasiiradda Qashem ee Iran, Iran ayaa si kulul uga jawaabtay duqeysayna saldhigyadii Mareykanku ka soo duulay oo ay ugu horreeyaan eeraboorka Kuwait, saldhigga ciidamadiisa ee Imaaraadka, Ciraaq iyo waliba Baxreyn. Iran ayaa sheegtay duqeyn kasta oo Mareykanku la beegto Iran in jawaabtu noqon doonto saddex jibbaar.
Dhanka Beirut, Israal ayaa illaa iyo hadda ku dhici la' in ay duqeyso xaafadda Daahiyeh ee Beirut kaddib digniintii Iran ee ahayd haddii la duqeeyo Beirut in ay duqeyn doonto dhammaan deegaanada waqooyiga Israal.
> Daljir Media
1 month ago | [YT] | 23
View 1 reply
Daljir
DAMACA YUHUUDA (1930) EE DHULKA SOOMAALIDA (SOMALILAND): Qorshihii "Golaha Harar"
WQ: Maxamud Yusuf Gurey
Mashruucii Yuhuudda Lagu soo dajin lahaa Geeska Afrika. Ma 2025 ayaa la fuliyay?
Haddii la soo hadalqaado qorshayaashii reer Galbeedku ku raadinayeen dhul ay deegaan uga dhigaan dadka Yuhuudda ah kahor intaan loo rarin Falastiin, maskaxda badanaa waxaa ku soo dhaca "Mashruucii Uganda" ee caanka ahaa. Mase oga in qorshe ka weyn, kana khatarsan uu ka dhashay bariga magaalada Harar iyo xuduudaha Maxmiyaddii British Somaliland qiyaastii sannadkii 1930-kii.
Mashruucan oo loogu magacdaray "The Harar Council Project" (Mashruucii Golaha Harar) wuxuu ahaa isku day caalami ah oo la doonayey in lagu abuuro "Gole ama Maamul Madaxbannaan oo ay Yuhuuddu leedahay," kaas oo ku fidsan dhulka barwaaqada ah ee Harar illaa Dekedda Berbera ee xeebta Badweynta Hindiya.
Muxuu ahaa "Golaha Harar" (Harar Council)?
Erayga "Harar Council" wuxuu astaan u ahaa guddi ama urur ka koobnaa aqoonyahanno, siyaasiyiin, iyo maalqabeenno Yuhuud ah oo u dhashay qaaradda Yurub iyo Maraykanka. Kooxdan, oo uu hormuud ka ahaa nin naqshadeeya qorshayaasha dhul-doonka Yuhuuda oo la oran jiray Herman Furberg waxay aamminsanaayeen in xalka dhibaatada Yuhuudda Yurub laga heli karo Geeska Afrika.
Golahani wuxuu dejiyay qorshe dhul weyn oo baaxaddiisa lagu qiyaasay 60,000 ilaa 70,000 oo mayl laba jibaaran (oo isugu jira bariga Itoobiya iyo gudaha British SOMALILAND Protectorate) laga dhigo dal ay ku badbaadaan malaayiin Yuhuud ah oo ka soo cararayay dhibaatadii ku habsatay Yurub muddadii u dhaxeysay dagaalkii 1aad iyo kii 2aad ee adduunka, dhulkaas oo deegaan u ahaa Oromo iyo qabaa'il Soomali ah.
Maxaa loo doortay deegaankan, maxay se ahayd Kaalinta Somaliland?
Haddaba maxaa keenay in indhaha caalamka lagu soo soo jeediyo aaggan? Qorsheeyayaashii mashruuca waxay u cuskanayeen dhowr sababood oo istiraatiiji ah:
1. Cimilada iyo Beeraha: Dhulka sare ee Harar wuxuu leeyahay cimilo qabow iyo dhul ku habboon beeraha iyo xoolaha, taas oo loo arkayay inay u dulqaadan karaan dadka Yuhuuda ah ee u bartay qabowga
2. Irridda Badda (Kaalinta dhulka Somalida): Si mashruucani u noqdo mid nool, wuxuu u baahnaa marin ganacsi oo caalami ah. Sidaas darteed, qorshuhu wuxuu ahaa in dhulkaas Harar lagu soo xidho dekedda Berbera. Tani waxay sahlaysay in dadka iyo badeecaduba si fudud uga soo degaan Berbera, ka dibna looga soo daabulo dhanka berriga
3. Qaab-dhismeedka maamul ee la qorsheeyay:
Sida ku cad dukumentiyadii taariikhiga ahaa ee loo gudbiyay boqortooyadii Itoobiya ee uu hoggaaminayay Boqor Haile Selassie I (oo si rasmi ah xukunka ula wareegay sannadkii 1930), nidaamka dawladnimo ee la rabay in la hirgeliyo wuxuu ahaa mid sidan u dhisan:
A. Dabaqadda Sare: Dadka Yuhuudda ah ee deegaankaas ayaa noqonayey dabaqadda sare.
B. Maamul Hoosaad Madaxbannaan: In kasta oo deegaanku hoosimaanayo calanka Itoobiya iyo iskaashiga Ingiriiska (dhulkii uu gumeysanayey), haddana gudaha deegaanka waxaa maamuli lahaa Gole Yuhuud ah
C. Aqoonta iyo Luuqadda: Luuqadda rasmiga ah ee maamulka, waxbarashada, iyo ganacsiga dhexdiisa waxaa la qorsheeyay inay noqoto Ingiriis, si ay ufududaato xiriirka suuqyada caalamka
Maxaa fashiliyey arrintan?
In kasta oo dadaal weyn la geliyay, mashruucii "Golaha Harar" marnaba kama soo gudbin warqadihii lagu soo qoray, wuxuuna u fashilmay arrimahan soo socda dhowr sababood dartood:
> Diidmada Dadka Deegaanka: Qorsheeyayaashu aad bay u dhayalsadeen dabeecadda dadka u dhashay deegaanka, gaar ahaan qabaailka Soomaalida iyo Oromada oo caan ku ahaa midnimada guud, difaaca dhulka, iyo diidmada gumeysiga ama isbaddalka dadka (demographic change). Isku day kasta oo lagu keeni lahaa dad ajnabi ah oo ku loolama dhulka iyo daaqsinta wuxuu dhalin lahaa dagaal dhiig ku daato
> Duullaankii Talyaaniga (1935): Shan sano kaddib markii qorshahan si weyn loo falanqeeyay, ciidamadii fashiistaha ahaa ee Talyaaniga ayaa ku duulay Itoobiya, taas oo meesha ka saartay xasilloonidii siyaasadeed iyo wadahadalladii dublamaasiyadeed ee socday
> U wareegidda dhanka Falastiin: Ururkii weynaa ee Sahyuuniyadda (Zionist Movement) ee caalamiga ahaa marnaba ma xiisaynayn mashaariicda kale ee Afrika ama Ameerika, waxayna diiradda saarayeen oo keliya dhulka Falastiin
Gunaanad
Mashruucii "Golaha Harar" ee sannadkii 1930 wuxuu markhaati u yahay sidii Geeska Afrika, gaar ahaan dhulka Soomaalida iyo nawaaxigiisa, uu mar walba u ahaa xudun u xidhan loolanka caalamiga ah iyo juqraafiga siyaasadeed (Geopolitics). In kasta oo uu ahaa qorshe ku qabsaday qaab qarsoodi ah saaxadda dublamaasiyadda reer Galbeedka, haddana wuxuu ka midyahay bogagga qoran ee muujinaya khatarihii waaweynaa ee dhulka Somalidu ka badbaaday xilliyadii gumeysiga.
Haddaba maanta oo laga joogo 90 sano in ka badan miyaa Soomaali looga faa'iideysanayaa duruufta ay ku jirto oo Yuhuudna loogu xalaaleynayaa muxaramaadkii islaamka (Baytul Maqdis) la dhihi karaa waxaan u aqoonsanahay Caasimadii Yuhuuda?
Wabilaahi Towfiiq
WQ: Maxamud Yusuf Gurey
1 month ago | [YT] | 69
View 1 reply
Daljir
DENIYOOW, TIISA DARYEELAA, TU KALE KU DARA!
Madaxweyne Siciid Cabdillaahi Deni xisaab khaldan ayuu isku dhufsaday markii uu yiri dadka reer Puntland lacag ha u aruuriyaan shacabka dawladda federaalku ku barakicisay Xamar, xooggana looga saaray dhulkay degganaayeen.
Puntland iyadaa baahi dhaqaale oo ballaaran ka jirtaa, waxana muddo hoos u liicayey ganacsigii iyo shaqoooyinkii daraf illaa dacal gobollada Puntland, waxaa weli xooggan abaarta iyo saamaynteeda miyi iyo magaalaba, aad iyo aad ayayna u adkaatay helidda noloshii daruuriga ahayd ee inte badan qoysasku.
Aan kaaga soo dhawaado intaas hore, dawladda Puntland ee aad madaxweynaha ka tahay shaqaalaheedu waxay ka cabanayaan bilo xiriir ah in aysan mushaar qaadam, bilkastana waxaa bulshada indhahoodu qabtaan ciidan waddo goostay oo joojiyey isku socodkii magaalooyinka mushaar la'aan darteed, xafiiskasta oo dawladeedna waxaad ku arkaysaa dad waraaqo sida oo doonaya daymo dawladda ku maqan.
Sidaas darteed, haddii wixii laga dhuun raaci jiray xagga dawladda sidaas seeg-seeg u yihiiin, ganacsigia oo ahaa nolosha ugu weyn ee dadku ku tiirsan yahay isna uu aad hoos ugu dhacay, hay'adihii mashaariicda iyo shaqo abuurka keeni jirayna badanka ka insaxaabeen Puntland.oo xafiisyadoodiina haawanayaan, xaggee joogaan madaxweyne dadka Puntlannd ee aad yabooha dhaqaale ka raadinaysid? Mise lama socotid daruufaha dadkaagu ku noolyihiin? Ma xukunka Xamar oo kaliyaa madaxaaga ku jira oo indhahaagu waaba dhaafsanyihiin Puntland?
Tiisa daryeelaa, tu kale ku dara, adigoo taada u maaro waayey maslaxad ma noqonayso geedo sare waabku.
WQ: Yuusuf Yameni
1 month ago | [YT] | 52
View 3 replies
Daljir
GAROOWE | Waxaa maanta si rasmi ah uga qabsoontay munaasibadda xilwareejinta Guddiga Xirfadlayaasha Caafimaadka Puntland, munaasibad waxaa kasoo qaybgalay masuuliyiin ka tirsan Dowladda Puntland, xubno ka socday Golaha Baarlamaanka, Guddiga Dhakhaatiirta, hayโadaha kala duwan, jaamacadaha, Bulshada iyo guud ahaan bahda caafimaadka Puntland.
1 month ago | [YT] | 31
View 0 replies
Load more