Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale garwaaqsatay muhiimadda ay leeyihiin Ciidanka Ilaalo Qaran ee lagu soo tababaray Eritrea, kuwaas oo hadda dib loo abaabulay loona diyaariyay hawlgallo culus. Markii hore, dowladda si buuxda ugama faa’iidaysan ciidamadan, waxaana lagu eedeeyay inay dayacday oo aan la siin kaalintii ay u qalmeen.
Hadda waxaa si gaar ah u shaqeeya cutub hub culus ku howlgala oo loo yaqaan “Jugta Culus”, kuwaas oo noqday ciidanka ugu awoodda badan ee la dagaallami kara cadowga adeegsanaya hubka waaweyn.
Sidoo kale, tayada Ciidanka Badda ayaa si cad loo arkay kaddib markii dhowaan loo baahday in ay ka qeyb qaataan howlgallo muhiim ah. Ciidamadan ayaa noqday kuwa keliya ee awood u leh fulinta dagaal culus, burburinta godadka, Kaymaha iyo goobaha gabaadka u ah cadowga waxaana inta badan loo diraa goobaha ay dowladdu ka waddo duqeymaha iyo hawlgallada gaarka ah.
Maalmahan, Ciidanka Ilaalo Qaran ayaa si gaar ah uga howlgala deegaanka Jabad Godane ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Ciidanka Badda, oo markii hore badankood ahaa kuwo tababar ku soo qaatay jaamacado ku yaalla Turkiga, waxaa hada hogaanka kala wareegaya kuwa Eritrea lagu soo tababaray.
Warqeex TV

4 months ago | [YT] | 10
View 0 replies